WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA OO QABATAY SHIRKA GUDDIGA HAGIDA EE MASHRUUCA SEIP

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabatay shirka Guddiga Hagida Mashruuca Xirfadaha Shaqada iyo Kobcinta Wax-soo-saarka Dhalinyarada (SEIP).

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Mudane Caynaanshe Yuusuf Xuseen, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaas oo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo is-xirka dhinacyada ku lugta leh mashruuca si loo xaqiijiyo natiijooyin wax ku ool ah oo taageera horumarinta xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed.

Inta lagu guda jiray shirka, waxaa lagu falanqeeyay dib u eegista howlaha la dhammeeyay iyo kuwa wali socda, iyadoo sidoo kale diiradda la saaray arrimaha mudnaanta leh ee u baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo si loo dardar geliyo fulinta qorshayaasha mashruuca SEIP.

Wasiiru Dowlaha Mudane Caynaanshe ayaa uga mahadceliyay dhammaan xubnihii ka socday Wasaaradaha Federaalka, loo-shaqeeyayaasha, Xarumaha Tababarka iyo xubnaha howl-fulinta mashruuca, isagoo ku booriyay in la sii adkeeyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta joogtada ah.

Ugu dambeyn, shirka ayaa kusoo dhammaaday isfaham iyo heshiis buuxa, iyadoo xubnaha guddigu ay si rasmi ah u meel mariyeen Qorshaha Howlaha Mashruuca iyo Orodoska Maaliyadeed ee sanadka 2026.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *