Muqdisho, 10 Sebtembar 2025 – Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdirashiid Abdullahi Xaydar, iyo Maareeyaha Mashruuca SEIP, Mudane Mohamed Hassan Xaambe, ayaa maanta si wadajir ah uga furay xarunta Machadka Qaranka ee Horumarinta Xirfadaha munaasabad heer sare loo soo agaasimay.
Munaasabadda ayaa lagu dhiirrigeliyay dhammaan ardaydii ku guuleysatay koorsooyinka uu taageerayo Mashruuca SEIP, kuwaas oo soo maray tartan iyo habraacyo adag si ay u helaan fursadda tababarrada xirfadeed.
Kusimaha Agaasimaha Guud iyo madaxda maamulka Machadka Qaranka ayaa labaduba uga mahadceliyay Wasaaradda iyo Maareeyaha Mashruuca taageerada baaxadda leh ee la siiyay, taas oo suurta gelisay in barnaamijkan guuleystay lagu hirgeliyo heer qaran.
Dhankiisa, Maareeyaha Mashruuca SEIP, Mudane Mohamed Hassan Xaambe, ayaa sheegay sida ay uga go’an tahay taageerada joogtada ah iyo garab istaagga Machadka, wuxuuna u hambalyeeyay ardayda ku guuleysatay barnaamijka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay si hufan uga faa’iideystaan fursadan dahabiga ah.
Maamulka iyo macallimiinta Machadka Qaranka ee Horumarinta Xirfadaha ayaa dhankooda balanqaaday inay dedaal xooggan ku bixin doonaan tababarrada, si dhallinyarada Soomaaliyeed ay ugu qalabeysan karaan xirfado suuqyada shaqada looga baahan yahay, loogana caawiyo yareynta shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta
