Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Kormeer Ku Tagtay Machadka Qaranka ee Horumarinta Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta

Mogadishu, Somalia – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Xildhibaan Aamina Hussein Ali, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagtay Machadka Qaranka ee Horumarinta Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta (Ex Xero Jarmal).

Kormeerka Wasiir Ku-xigeenka waxaa ku wehelinayay Maareeyaha Mashruuca SEIP, Mudane Mohamed Hassan Xaambe, iyagoo u kuurgalay habka uu u socdo Tababarka Xirfadaha Shaqo Abuurka, una kuur galay tayada iyo hannaanka waxbarashada ee machadka.

Intii lagu guda jiray kormeerka, Wasiir Aamina iyo wafdiga la socday waxay booqdeen qaybo kala duwan oo machadka ka mid ah, sida fasallada tababarka, xarumaha maamulka iyo macalimiinta, iyo hoyga ardayda.

Wasiirka ayaa warbixinno ka dhageysatay Maamulka Machadka, macalimiinta iyo ardayda, iyadoo si gaar ah u bogaadisay tayada tababarka iyo sida habsami leh ee uu u socdo barnaamijka horumarinta xirfadaha dhalinyarada.

Ugu dambeyn, Wasiir Ku-xigeenka ayaa ku dhiirrigelisay maamulka iyo macalimiinta machadka in ay sii xoojiyaan dadaalkooda, iyadoo balanqaadday in Wasaaraddu ay garab taagan tahay dhammaan dadaallada lagu horumarinayo xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed si ay uga mid noqdaan shaqaalaha xirfadeysan ee suuqa shaqada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *