Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Barnaamijka Tababarka Deeqda Waxbarasho, kaas oo loogu talagalay in lagu taageero dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay bartaan xirfado casri ah oo ku saleysan baahida suuqa shaqada.
Barnaamijkan cusub, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa dabooli doonta khidmadaha tababarka ee ka-qaybgalayaasha, iyadoo diiradda la saarayo laba dhinac oo muhiim u ah horumarka dalka: Tamarta La Cusboonaysiin Karo iyo Ganacsiga & Horumarinta Ganacsiga. Ujeeddada barnaamijku waa in lagu dhiso aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada, si ay uga qayb qaataan koboca dhaqaalaha iyo shaqo-abuur waara.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa xusay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu yaraynayo shaqo la’aanta dhallinyarada, isla markaana lagu xoojinayo awoodda wax soo saar ee bulshada. Waxa uu ku dhiirrigeliyay dhallinyarada Soomaaliyeed inay ka faa’iidaystaan fursadan qiimaha leh oo lagu dhisayo xirfado mustaqbalkooda wax weyn ka tari doona.
Barnaamijka Tababarka Deeqda Waxbarasho ee Mashruuca SEIP ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid fure u ah kor u qaadista fursadaha shaqo iyo kobcinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, isagoo dhallinyarada siinaya awood ay kaga jawaabaan caqabadaha shaqo la’aanta, kuna biiraan suuq shaqada.
