Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS, Mudane Yussuf Wadani, ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho kulanka Guddiga Heer Farsamo ee mashruuca lagu horumarinayo xirfadaha dhallinyarada iyo shaqo-abuurka (SEIP Project). Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda iyo hay’adaha la-hawlgalka ah ee lagu xoojinayo fursadaha shaqo iyo kor u qaadista aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed.
Mashruuca SEIP wuxuu diiradda saarayaa sidii dhalinyarada loogu abuuri lahaa xirfado cusub oo ay kaga qayb qaataan suuqa shaqada, iyadoo loo marayo barnaamijyo tababar oo dhanka xirfadaha iyo farsamada ah. Waxaa sidoo kale la qorsheeyey in tababarradan lagu xoojiyo ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, si loo abuuro jawi shaqo oo waara.
Intii uu socday furitaanka, Agaasimaha Guud ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu qalabeeyo xirfado casri ah, si ay uga baxaan caqabadaha shaqo la’aanta iyo in ay noqdaan xoog wax soo saar leh oo dhaqaale kusoo kordhiya dalka. Waxa uu ku boorriyay dhammaan xubnaha guddiga iyo daneeyayaasha in ay si dhow ula shaqeeyaan mashruuca, ayna hubiyaan in natiijooyin muuqda laga gaaro.
Kulanka Guddiga Heer Farsamo ayaa la filayaa in uu ka soo saaro go’aanno iyo talooyin hagaya hirgelinta mashruuca SEIP, iyadoo lagu saleeyo baahida dhallinyarada iyo qorshaha horumarinta shaqo-abuurka ee qaranka. Tani waxay qeyb ka tahay qorshayaasha waaweyn ee dowladda Soomaaliya ku doonayso inay ku yareyso shaqo la’aanta iyo in dhalinyarada loo abuuro mustaqbal ifaya.
